Kostenscout.de
Produkt
  Sortierung:
  Optional: Preisspanne von bis Euro

Haldoorada Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha (Ingiriiska iyo Waqooyiga-Yurub)

Haldoorada Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha (Ingiriiska iyo Waqooyiga-Yurub)

"Waxaa la oran karaa walibana lagu faani karaa hal-abuurka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed asaaggood way ka firfircoonaadeen, qayrkood way ka dheereeyeen. Qoladaan oo ay ku yaryihiin inta ku abtirsata tacliinta waxay dhabarka u riteen xil aan looga baran hal-abuurka noocooda ah dalalka kale. Waxay xambaarsadeen xilii garwadeenimada ama hoggaaminta fekerka bulshada ...Tani waa xaqiiqda jirta oo qof kasta la taabsiin karo...Waa in aan qirnaa in ay duulkani noo ceebastureen." Dr. Maxamed Daahir Afrax. Bulsho kasta waxay leedahay hal-abuuro ay tilmaamaan kana muuqda dadka dhexdooda, la yaabna ma leh in la qadariyo hal-abuurka ku xeel dheer dhaqanka, suugaanta, taariikhda iyo hantida aqooneed ee gaarka u ah iwm. Runtii qiimaha iyo waxtarka ay leeyihiin haldoorka Soomaaliyeed ma aha mid la qiyaasi karo, gaar ahaan kuwii ka muuqday masraxa iyo fagaarayaasha aqooneed ee ku firirsan dunida dacaladeyda. Waxay ahaataba qoraalka buugakani waxaa uu xanbaarsan yahay dabagalka tiirarka adag ee uu ku taagan yahay dhaqanka iyo afka Soomaaliga ee qurbaha si aynu u iftiimino dadaalada hal-doorka iyo xarumaha aqooneed ee ku aadan kor u qaadida iyo difaaca dhaqanka iyo afkeena hooyo ee qurbaha, gaar ahaan wadamada woyooyiga Yurub iyo boqortooyada Ingriiska. KU SAABSAN QORAAGA:¿¿Dr. Maxamed Xuseen Macallin wuxuu ku dhashay Muqdisho 1964kii. Sidoo kale waa bare, iyo cilmibaare. Wuxuu ka qalan jabiyay Jaamacat Umm al-Quraa‘ ee Makka al-Mukarama, qodob ku saabsan Taariikhda Islaamka sanadkii 1987-1991kii, isla jaamacaddaas sidoo kale master sanadkii 1992kii. PhD wuxuu ku sameeyay Jaamacada al-Niilayn ee Suudaan sanadkii 2001-2006kii. Dr Maxamed Xuseen Macallin wuxuu ka soo shaqeeyay Jaamacada badan. Sidoo kale qoraagu wuxuu ka mid yahay ururo aqooneed oo caalamka ku firirsan. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin kuwan: Diiwaanka Maansooyinka Abshir Bacadle, (2014); Taariikhda Culimada Soomaaliyeed (2021); Haldoorada Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha: Ingiriiska iyo Waqooyiga-Yurub (2023). Sidoo kale wuxuu Afcarabi ku qoray: al-Thaqaafat al-Carabiyyah war-Ruwwaaduhaa fiil-Soomaal (2011); Mucjam al-Mu‘allifiin al-Soomaaliyiin fiil-Carabiyyah (2016); Cibaaqarat al-Qarn al-Ifriiqii (2017); al-Calaaqat bayn al-Qarn al-Ifriiqii wal Caalam al-Khaarijii (2021).Dr Maxamed Xuseen Macallin hadda wuxuu deggen yahay waddanka Noorwaay, waana aabbe, xaas, caruur leh..


Angebote zum Artikel

22,99 €*
22,99 € inkl. Versand*
Haldoorada Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha (Ingiriiska iyo Waqooyiga-Yurub)
Anbieter: Thalia DE




Die bei uns gelisteten Preise basieren auf Angaben der gelisteten Händler zum Zeitpunkt unserer Datenabfrage. Diese erfolgt einmal täglich. Von diesem Zeitpunkt bis jetzt können sich die Preise bei den einzelnen Händlern jedoch geändert haben. Bitte prüfen sie auf der Zielseite die endgültigen Preise. Die Sortierung auf unserer Seite erfolgt nach dem besten Preis oder nach bester Relevanz für Suchbegriffe (je nach Auswahl).
Für manche Artikel bekommen wir beim Kauf über die verlinkte Seite eine Provision gezahlt. Ob es eine Provision gibt und wie hoch diese ausfällt, hat keinen Einfluß auf die Suchergebnisse oder deren Sortierung. Unser Preisvergleich listet nicht alle Onlineshops. Möglicherweise gibt es auf anderen bei uns nicht gelisteten Shops günstigere Preise oder eine andere Auswahl an Angeboten.
Versandkosten sind in den angezeigten Preisen und der Sortierung nicht inkludiert.


Livesuche | Gutscheine | Datenschutz | Impressum

* - Angaben ohne Gewähr. Preise und Versandkosten können sich zwischenzeitlich geändert haben.
Bitte prüfen sie vor dem Kauf auf der jeweiligen Seite, ob die Preise sowie Versandkosten noch aktuell sind.